Saacadihii lasoo dhaafay, howlgallo kala duwan ayaa ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha-hoose, kuwaas oo lala beegsaday ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Inta u dhexeysa deegaannada Dhanaane iyo Jaziira ee u dhexeeya Muqdisho iyo Marko waxaa ka dhacay dagaallo xoogan, kuwaas oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda federaalka.
Kolonyo katirsan ciidamada dowladda ayaa waxaa kamiin u dhigay ciidamo katirsan Mujaahidiinta, waxaana halkaas ka dhashey kahsaare adag oo gaaray ciidamada dowladda.
Inta la hubo 6 askari oo uu ku jiro Taliye ciidan ayaa ku dhintay kamiinka, halka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaari dagaal oo uu saaranyahay Qori kamid ah noocyada lidka diyaaradaha.
Isla goobtaas waxaa jiray qarax culus oo lagula eegtay gaari ay sarnaayeen ciidamo katirsan dowladda, gebi ahaanba gaariga ayaana burburay, waxaana ku dhintay 5 askari oo uu ku jiro taliye koox.
Isku darka ciidamada dowladda ee saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay deegaannada xeebta ah ee Muqdisho iyo Marko u dhexeeya ayaa ka dhigeysa 11 askari oo ay ku jiraan labo taliye, halka laga gubay gaari kale, mid kale oo uu qori ku rakibanyahayna lagala wareegay.
Sidoo kale waxaa jira, weerar habeenkii xalay ciidamo katirsan Mujaahidiinta ay ku qaadeen fariismiyaasha magaalada Qoryooley ku leeyihiin ciidamada Shisheeyaha.
Dagaal culus ayaa goobta ka dhacay, mana helin faafaahin ku aadan khasaaraha gaaray Shisheeyaha.
Ugu dambeyn guutooyinka Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn xoogan ku garaacay saldhig deegaanka Baar-sanguuni kaga suganyihiin ciidamada daacadda u ah Maraykanka ee katirsan maamulka Jubbaland.
Madaafiic ayaa ku dhacday gudaha saldhiga, waxaana la rumeysanyahay inuu jiro khasaare adag oo gaaray ciidamada Soomaalida ee Maraykanka la shaqeeya.