HomeAll newsMilliteriga dalka Suudaan oo ballanqaaday ilaalinta dowladda uu hogaamiyo Al-bashiir.

Milliteriga dalka Suudaan oo ballanqaaday ilaalinta dowladda uu hogaamiyo Al-bashiir.

Iyadoo inkabadan hal bil oo kaamil ah ay banaanbaxyo waaweyn ka socdaan wadanka Suudaan, kuwaas oo looga soo horjeedo xukuumadda Al-bashiir, ayaa milliteriga dalkaas wuxuu wacad ku maray iney ilaalin doonaan jiritaanka dowladda.

Kulan ay yeesheen saraakiisha milliteriga ayaa shalay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Al-khurdhuum, waxaana kasoo qeybgalay Abaanduulaha guud ee ciidamada Suudaan, iyo wasiirka gaashandhiga ee xukuumadda.

Kamaal oo ah Abaanduulaha ciidamada Suudaan ayaa sheegay iney ilaalinayaan jiritaanka dowladda, marnabana aysan ogolaan doonin in dalka uu kusii socdo haadaan, ama talada ay la wareegeen kooxo uu ku sheegay iney ku xiranyihin dibadda.

Wasiirka Gaashandhiga xukuumadda Al-bashiir, oo sidoo kale goobjoog ahaa kulanka saraakiisha ayaa dhankiisa sheegay in ciidankiisu ay awood u leeyihiin ilaalinta dowladda AL-bashiir.

Cumar Xasan Al-bashiir ayaa u muuqda mid go’aan ku gaaray inuu xoog iyo awood ku wajaho bananabaxyada, waxaana arintaas ay dadka qaar tilmaamayaan iney kasii qeyb qaadaneyso sii socoshada banaanbaxyada iyo iney xoogeystaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular