HomeAll newsKamiin iyo Dagaallo Xoogan oo ka kala dhacay Jubbooyinka iyo duleedka Muqdisho.

Kamiin iyo Dagaallo Xoogan oo ka kala dhacay Jubbooyinka iyo duleedka Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aad u hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee ceelasha biyaha, duleedka magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa uu socday in muda ah, iyadoona la rumeysanyahay in Shisheeyaha uu gaaray khasaare kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney maqlayeen takbiirta ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo rasaas la dhacayay difaacyada ciidamada  Shisheeyaha.

Dhinac kale, weerar kamiin iyo qarax isugu jira ayaa lala eegtay ciidamada Kenyaatiga ee ku sugan gobolka Jubbooyinka.

Kolonyo ciidamo Kenyaati ah oo ku safrayay inta u dhexeysa Dhoobley iyo Taabto ayaa la kulmay weerar kamiin ah, kaas oo lagu daah furay qarax xoogan.

Warar ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan hal gaari laga gubay ciidamada Kenyaatiga.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa gaaray ciidamada Kenyaatiga, walow aynaan helin tiro rasmi ah.

Howlgallada kala duwan ee lagu beegsanayo Shisheeyaha iyo ciidamada Soomaalida ee la socda ayaa sii kordhaya, waxaana ay qeyb ka yihiin howlgallada ay wadaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular