HomeAll newsWeerar Ka dhacay Maraykanka Oo khasaare dhaliyay.

Weerar Ka dhacay Maraykanka Oo khasaare dhaliyay.

Saacado kahor, dalka Maraykanka waxaa ka dhacay weerar hubeysan, kaas oo dhaliyay waxyeelo kala duwan.

Rag hubeysan ayaa la sheegay iney weerareen iskuul ku yaala magaalada Housten ee dalka Maraykanka, waxaana ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamo katirsan Police-ka.

Afhayeen u hadlay Police-ka, wuxuu xaqiijiyay iney dhaawacmeen ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidamada, kuwaas oo isku dayay iney iska caabiyaan ragga weerarka soo qaaday.

Lama sheegin khasaare dhimasho ah oo ka dhashay weerarkan, waxaana sidoo kale Police-ku ka hadlin nooca weerarkan uu yahay, iyo noocyada dadka fuliyay.

25-tii bishan January ayay ahayd markii qof hubeysan uu weerar ka geystay gudaha banki ku yaala dalka Maraykanka, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan shan ruux.

Weerarada noocan ah ayaa kusoo badanaya wadanka Maraykanka, waxaana wadankaas uu hubka ka yahay mid furan oo uu qof weliba heli karo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular