HomeAll newsCiidamo katirsan Burundi Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Shabeellaha-dhexe.

Ciidamo katirsan Burundi Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Shabeellaha-dhexe.

Qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha-dhexe ayaa lagu dilay askar katirsan ciidamada Buruni ee qeybta ka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Ciidamo katirsan kuwa Burundi oo ku sugnaa deegaanka Buurane ee duleedka Mahadaay ayaa lala eegtay qarax culus, waxaana durba goobta kaga dhintay 3 askari.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha dhaliyay, waxaana uu qeyb ka yahay weerarada gobolka Shabeellaha-dhexe sida ba’an ugu beegsanayo Shisheeyaha Burundi.

Marar badan ayaa ciidamada Shisheeyaha iyagoo isaga kala gudbaya deegaannada iyo degmooyinka Shabeellaha dhexe iyo guud ahaan gobollada ay ka joogaan dalka waxay la kulmeen weeraro kala duwan, kuwaas oo khasaare ba’an gaarsiiyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular