Labo Qarax oo culus ayaa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda, kuwaas oo ku safrayay wadada isku xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.
Qaraxa koowaad waxaa lala helay gaari nooca BG-ah, waxaana burbur xoogan uu gaaray gaariga, kaas oo markii dambe rogmaday, islamarkaana sii burburay.
Qaraxa labaad waxaa lala eegtay gaari Cabdi bile ah, kaas oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda, uuna watay taliye lagu magacaabo Foor-foor.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa labada qarax ka dhashey, marka laga soo tago burburka gawaarida, waxaana howlgalladan ay qeyb ka yihiin silsiladaha howlgallada ee ciidamada Mujaahidiinta kawadaan dalka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labadan qarax ee lala eegtay ciidamada dowladda.