Warbaahinta wadanka Kenya iyo guud ahaan shacabka dalkaas ayaa weli xusaya dagaalkii khasaaraha badan lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya, ee saddex sano kahor ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay Kenyaatigu ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Wargeyska Daily Nation oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray warbixin uu kaga hadlayo dagaalkii Ceel-cadde, khasaaraha gaaray ciidamada Kenya iyo sababaha aysan weli dowladda Kenya u shaacin tirada rasmiga ah ee ciidankooda uga dhintay dagaalkii Ceel-cadde.
Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil katirsan dowladda, iyo qaar kamid ah ehellada ciidamadii ku dhintay ama lagu waayay dagaalkii Ceel-cadde ayaa ku tilmaamay dagaalkaas inuu yahay dhaawac furan oo gaaray shacabka Kenya.
“magaca Ceel-cadde wuxuu saameyn adag ku reebay ciidamada KDF, sheekada ku saabsan dagaalkii Ceel-cadana waa mid saameyn ku leh ciidamada, mana jecla in wax laga waydiiiyo” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Daily Nation.
Wuxuu wargeysku intaas ku daray isagoo sii hadalaya “dagaalkii Ceel-cadde waa qarow joogta ah, iyo dhacdo saameyn ku leh saraakiisha difaaca, intii dhimatay way dhinteen, intii uu soo gaaray dhaawacyo dhanka jirka iyo maskaxda ahna waa la daweynayaa, ciidamada la la’yahayna lama oga in la heli doono nolo iyo geeri labaduba, Ceel-cadde waa dhaawac furan”.
Wargeyska Daily Nation wuxuu sheegayaa in marnaba dowladda Kenya aan laga sugeynin iney sheegto tirada rasmiga ah ee ciidamada difaaca ee Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo KDF uga dhimatay dagaalkii Ceel-cadde.
“haka sugin Gudiga loo xilsaaray baaritaanka dagaalkii Ceel-cadde inay sheegaan wixii dhacay”, sarkaal la hadlay ayaa intaas ku daray “in xitaa aysan fileyn in sanadka soo socda ay dowalddu sheegto xaqiiqda wixii ka dhacay Ceel-cadde”.
Warbixinta uu daabacay wargeyska Daily Nation waxaa looga hadlay qaabkii uu u dhacay dagaalkii Ceel-cadde, waxaana lagu yiri:-
“Maanta oo kale sanadkii 2016-ka, deegaan lagu magacaabo Ceel-cadde oo katirsan gobolka Gedo ayaa waxaa weerar kusoo qaaday Al-Shabaab, weerarka waxaa lagu billaabay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo lagu dhuftay afaafka hore ee saldhig ay ka buuxeen ciidamo katirsan guutooyinka 5-aad iyo 9-aad ee ciidamada Kenya”.
Waxay warbixintu intaas ku dareysaa in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si xeeldheer u doorteen hadafka.
“Dagaallamayaasha weerarka soo qaaday si wanaagsan ayay u doorteen hadafka, ciidamada Kenyaatiga ee saldhiga joogay xilli dhow ayay goobta soo gaareen, deegaankana way ku cusbaayeen, waxayna bedeleen ciidamo kale oo gutay waajibkoodii, kuwaas oo sanad joogay Ceel-cadde”.
Warbixinta Daily Nation waxaa sidoo kale lagu sheegay in aroornimadii uu weerarku dhacayay ay inta badan hurdayeen ciidamada Kenyaatiga, balse waxaa la is waydiin karaa waxay qaban kareen xitaa haddii ay dhamaantooda soo jeedeen.
“Qaraxa waxaa ku dhintay ciidamo dhowr ah, kuwaas oo gubtay, waxaana xigay qaraxa ciidamo hubeysan oo usoo daatay xerada, ciidamada Kenya ayay aad ula yaabanaayeen jugta qaraxa iyo rasaasta dhaceysa, intii badbaadeyna waxay isku dayeen iney baxsadaan” ayaa lagu yiri warbixinta Daily Nation.
Saraakiisha dowladda Kenya way ka gaabsadeen iney xaqiijiyaan tirada rasmiga ah ee askarta ku dhimtay dagaalkii Ceel-cadde, balse wuxuu wargeysku soo qaadanayaa hadal uu jeediyay madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Xassan Sheekh, kaas oo hoosta ka xariiqay in inkabadan 200 oo askari oo Kenyaati ah lagu dilay dagaalkii Ceel-cadde.
Ehellada iyo qoysaska aan weli helin macluumo dhameystiran oo ku aadan masiirka nolosha caruurtooda ayaa wada ol-ole ballaaran oo ay ku raadinayaan xaqiiqda wixii dhacay.
“Rajada iyo cabsida ku geedaaman noloshooda ayaa waxay ku hogaamisay ehellada iney sameeyaan dhaq-dhaqaaq aan kala joogsi lahayn oo ay ku raadinayaan masiirka caruurtooda” ayaa yiri wargeyska, wuxuuna intaa ku daray “ mararka qaar waa wax wanaagsan inaad iska Ooyso”.
Sarkaal katirsan ciidamada Kenya ayaa wariyaha qoray warbixinta wuxuu u sheegay kalimaad afgarasho ah oo ay adeegsanayeen dagaalkii Ceel-cadde, wuxuuna yiri “ X-ray waxaan u isticmaaleynay tirada cidamadeena dhintay, Yankee waxay ka dhigneyd dhaawacyda la xaqiijyay, halka ZULU ay ka dhigneyd ciidamada aan nolol iyo geeri toona lagu heyn, Ceel-cadana waa howlgal weli socda”.
Warbixinta lagu daabacay wargeyska Daily Nation waxaa lagu soo gebebeeyay “ su’aalaha la iska waydiinayo howsha ay ciidamadeenu ka hayaan Soomaaliya way ka badnaan karaan intan, balse xilligan waa waqtigii xusuusta oo aan u duceyn lahayn ciidamada lagu waayay dagaalkaas”.
Dagaalkii Ceel-cadde ayaa kamid ahaa dagaallada taariikhiga ah ee geeska Africa ku dhexmaray Xaqqa iyo baadhilka, waana mid kamid ah dagaalladii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada Kenya kula kulmaan Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2011-ka, xilligaas oo ciidamada Kenyaatiga ay kasoo tallaabeen xuduud beenaadka, kuna soo duulaan wilaayadka islaamiga ee Jubbooyinka iyo Gedo.
Mu’assasada Al-Kataa’ib ayaa filim xiiso badan kasoo saartay dagaalkii Ceel-cadde, waxaana filimka lagu soo bandhigayaa istish-haadigii daah furay howlgalka oo lagu magacaabo Farxaan, ciidamada mujaahidiinta oo si geesinimo ay ku dheehantahay u jiiraya difaacyda Kenyaatiga, iyo sidoo kale khasaraha dhimasho iyo dhaawacba leh ee dowladda Kenya lagu gaarsiiyay qazwadaas loogu magacdaray Alsheykh Abii Yaxya Alliibi, ayna fulisay Katiibada Saalax Nabhaan.
Halkan ka dhagayso Warbixin Daily Nation uu ka diyaariyay Dagaalkii Ceel-cadde.