Shir dhawaan ka furmi doono dalka Lubnaan oo looga hadlayo arimaha dhaqaalaha, ayna kasoo qeybgeli doonaan inta badan dowladaha carabta ayaa xukuumadda Al-wifaaq ee Liibiya waxay ka cudur daaratay ka qeyb galkiisa.
Madaxweynaha xukuumadaas Faayiz As-siraaj ayaa sheegay in xukuumadiisu aysan ka qeygeli doonin shirka ka furmaya magaalada Bayruut, sababo ku aadan meel ka dhac uu sheegay in dowlada Lubnaan ay ku sameysay shacabka Liibiya.
Xukuumadda Al-wifaaq ayaa ka careysan tallaabo dhawaan ay ku kaceen taageriyaasha xarako shiici ah oo lagu magacaabo Amal, kuwaas oo dalka Lubnaan ku gubay calanka uu gumeystuhu u sameeyay dalka Liibiya.
Taageeriyaasha xarakada shiiciga Amal ayaa dowladda Liibiya ku eedaysay iney ka gaabisay qadiyadda wadaad shiici ah oo todobaatameeyadii lagu afduubtay wadanka Liibiya.
Weli wax war ah kaam soo bixin dowladda Lubnaan oo ku aadan warka kasoo baxay xukuumadda Al-wifaaq ee ah ineysan kasoo qeybgeli doonin shirka looga hadlayo arimaha dhaqaalaha ee ka furmi doono magaalada Beyruut.