Mike Pompeo oo ah wasiirka arimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa maalmihii tagay wuxuu booqasho ku marayay qaar kamid ah wadamada caalamka islaamka ee ay ka dhisanyihiin maamullo gacan saar dhow la leh Maraykanka iyo Yahuudda.
Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-sucuud, halkaas oo la filayo inuu kula kulmo mdaxda ugu sarreysa maamulkaas oo uu ku jiro dhaxalsugaha Aala-sucuud Muxamad bin Salmaan.
Wasiirka waxaa garoonka kusoo dhaweeyay wasiiru-dowlaha arimaha dibadda ee maamulka Aala-sucuud Caadil Al-jubeyr, safiirka Aala-sucuud ee Maraykanka Khaalid bin Salmaan, iyo qunsulka safaarada Maraykanka ee magaalada Jiddah.
Kulanka Pompeo uu la yeelan doono madaxda maamulka Aala-sucuud waxaa la filayaa inuu kala hadlo arimo badan oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan dadka muslimiinta ah ee ka socda wadamada caalamka islaamka, sidoo kale khilaafka u dhexeeya dowladaha khaliijka iyo dilkii wariye Jamaal Khaashiqji.
Kahor inta uusan gaarin dhulka Xarameynka, wuxuu wasiirka arimaha dibadda Maraykanka booqasho ku tagay dalka Qadar, halkaas oo uu kula soo kulmay madaxda wadankaas, wuxuuna amaanay kaalinta dowladaas ay ku leedahay la dagalaanka waxa uu ugu yeeray argagaxisad oo uu ula jeedo dadka u halgamaya difaaca dhulalka muslimiinta.
Siyaasadda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa isku dhex-yaacsan, wuxuuna Maraykanku u muuqdaa markan mid sii liicaya oo aan hanan Karin awoodii uu kulahaa adduunka.