Website-ka caanka ah ee lagu magacaabo Long War Journal, lagana leeyahay dalka Maraykanka ayaa baahiyay warbixin dheer oo qiimeyn ah, taas oo uu kaga hadlayo waxyaabaha ka imaan kara bixitaanka la filayo in dhawaan ciidamada Maraykanka looga soo saaro dalka Afqaanistaan.
Warbixintan oo ay qoreen labo baare oo katirsan website-ka, kana faallooda arimaha milliteriga iyo amaanka ayay hoosta kaga xariiqeen in kasoo bixitaanka ciidamada Maraykanka ee dalka Afqaanistaan ay tahay guul weyn oo usoo hooyatay Al-Qaacida, Dhaalibaan iyo dadka taageeriyaashooda ah oo ay ula jeedaan muslimiinta.
“ marka hore Suuriya, kadibna Afqaanistaan, madaxweyne Trump wuxuu kaga fajiciyay madaxda siyaasadda dibadda in ciidamada Maraykanka ay kasoo baxayaan Suuriya, waxyar kadibna waxaa soo baxay wararka sheegaya in ciidamada Maraykanka kala bar laga soo saari doono Afqaanistaan, halka dhamaadka sanadka 2019-ka ay si buuxda uga soo baxayaan wadankaas” ayaa lagu billaabay warbixintan uu daabacay Long War Journal.
Baariyaasha qoray warbixinta waxay sheegayaan aysan iyagu la fajicin, tan iyo bishii Octobar-na ay sheegeen in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee dalka Afqaanistaan uu mar weliba dhici karo.
Inbadan oo kamid ah dadka Maraykanka waxay sheegeysaa warbixintu iney aad ugu farxeen go’aanka Trump, iyagoo u arka iney lugaha kala soo bixi doonaan dagaalkii ugu dheeraa ee uu galo millteriga dalka Maraykanka, kaas oo ah duulaanka Afqaanistaan ee 18 sano jirsaday markan.
Warbixintu waxay hoosta ka xariiqeysaa in tallaabada ciidamada Maraykanka looga soo saarayo Afqaanistaan ay guul u tahay Imaarada islaamiga iyo Al-Qaacida, “sanado badan Dhaalibaan iyo Al-Qaacida waxay taageeriyaashooda u sheegayaan in guushu dhowdahay, Mullaa Cumar ayaana laga hayaa inuu yiri “Allaah wuxuu noo yaboohay guul, Maraykankuna wuxuu noo ballanqaaday Jab, waxaan arki doonnaa labadaas ballan mida fusha” ayaa lagu yiri warbixinta.
Sida lagu sheegay warbixinta, siyaasadda Trump ee mudnaanta koowaad siineysa Maraykanka, waxay Al-Qaacida u arkeysay mid soo dedejin karta in ciidamada Maraykanka laga saaro Afqaanistaan.
Waxay warbixintu soo xiganeysaa kalimad uu sanadkii 2017-ka jeediyay amiirka Al-Qaacida ee qaarad u ekaha Hindiya Caasim Cumar, taas oo uu ku sheegayo in siyaasadda Trump ee mudnaanta koowaad siineysa Maraykanka ay ka dhigantahay in ciidamadiisu kala bixi doono Afqaanistaan, si Maraykanku u difaacdo awoodda uu ku leeyahay aduunka.
“ Saahdasha hogaanka Al-Qaacida waxay u muuqataa mid dhab noqotay, ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Afqaanistaan-na waxay Dhaalibaan iyo Al-Qaacida u tahay guul, si lamid ah sidii mujaahidiinta ay u jebiyeen awoodii Ruushka ee Afqaanistaan ku duushey, waxay markale ku faani doonaan iney jebiyen awood labaad oo ah Maraykanka” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Long War Journal.
Ka bixitaanka deg-dega ah ee ciidamada Maraykanka ay ka baxayaan wadanka Afqaanistaan ayaa warbixinta lagu sheegay in Dhaalibaan oo marti gelisay Al-Qaacida kahor iyo kadib weeraradii 11-septembar ay u tahay guul muuqata oo cad.
Tan iyo sanadkii 2001-da oo uu Maraykanku ku duulay dalka Afqaanistaan, Al-Qaacida iyo Dhaalibaan waxay ilaashadeen midnimadooda, sida lagu sheegay warbixinta, waxaana Sheikh Ayman Ad-dawaahiri uu beycada u cusbooneysiiyay amiirka cusub ee Dhaalinbaan Mowlawi Hibatullaah.
Baarayaasha qoray warbixinta lagu daabacay website-ka Long War Journal ayaa u muuqda kuwa dhaliilsan kasoo bixitaanka ciidamada Maraykanka ee dalka Afqaanistaan, balse sida muuqata, warbixintana lagu sheegay shacabka Maraykanka ayaa aad ula dhacsan tallaabadan, waxayna qaati ka taaganyihiin dhiig baxa dhaqaale iyo midka nafeed ee ku heysta dagaalka Afqaanistaan.
Trump oo lagu tilmaamo qof maskax ahaan aan fadhin, islamarkaana go’aannada masiiriga ah keligii qaata ayaa dhamaadkii 2018-ka wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamadiisu kala soo bixi doono wadanka Suuriya.
Saacado kadibna, saraakiil sar sare oo katirsan Maraykanka ayaa warbaahinta caalamiga usoo dusiyay in kala bar ciidankooda jooga Afqaanistaan ay si dhaqsi ah ula soo bixi doonaan, halka inta harteyna ay kasoo saari doonaan dhamaadka sanadka 2019-ka.
Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa dhawaan warbixin ay soo saartay waxay istiraatiijiyada Trump ku tilmaamtay mid fashilantay, ayna Mujaahidiintu diyaar u yihiin iney wadaan Jihaadka tan iyo inta askariga ugu dambeeye ee shisheeye ah uu joogo wadankaas.