Banaanbaxyo xoogan ayaa maalintii shalay waxay ka dheceen magaalada Umu-darmaan oo kamid ah magaalooyinka dhaca dalka Suudaan, waxaana ka dhashay bananabaxyadaas khasaare dhimasho iyo dhaawacbo leh.
Afhayeen u hadlay dhakhaatiirta madax banaan ee dalka Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 3 ruux ay xaqiijiyeen iney ku dhinteen banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaalada Umu–darmaan.
Saraakiisha Police-ka waxay sheegeen in ciidamada ay kala eryeen dad isku dayay iney dhigeen banaanbax ay ku tilmaameen sharci darro, ayna baarayaan wararka sheegaya in dad shacab ah ay dhinteen.
Tirada dhimashada tan iyo markii ay billowdeen banaanbaxyada ka socda dalka Suudaan ayaa ka dhigan 40 ruux, waxaana Al-bashiir ka go’an inuu xoog iyo xabad ku damiyo banaanbaxyada ay shacabku dhigayan, kuna dalbanayaan inuu talada dalka ka dego.