HomeAll newsXammaas oo gacanta ku dhigtay tobanaan ruux oo Jawaasiis u ahaa maamulka...

Xammaas oo gacanta ku dhigtay tobanaan ruux oo Jawaasiis u ahaa maamulka Yahuudda.

Xarakada wax iska caabinta Xammaas ee ka dagaalanta dhulka Filastiin, ayaa ku dhawaaqday iney gacanta ku dhigtay shabakad jawaasiis ah oo la shaqeyneysay maamulka Yahudda.

Wasaaradda arimaha gudaha ee Xammaas ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in gacanta lagu dhigay ugu yaraan 45 ruux oo Filastiiniyiin ah, kuwaas oo ku eedeysan iney jawaasiis u yihiin maamulka Yahuudda.

Dadkan faraha badan ee la qabtay waxaa la sheegay iney kaalin ku lahaayeen weerarkii fashilmey ee dhamaadkii sanadkii hore ay ciidamada Yahuuddu kusoo qaadeen magaalada Khaan-Yoonis ee koonfurta Jiidda-Qazza.

Afhayeen u hadlay Xammaas wuxuu baaq u jeediyay Jawaasiista la shaqeysa Yahuudda, wuxuuna ugu baaqay iney isasoo dhiibaan kahor inta aan la qaban, oo aan lagu fulin xukunka ay mudanyihiin ee ah dilka.

Waxaa la filayaa in marka ay soo dhamaato baaritaannada lagu hayo jawaasiistan ay Xammaas ku fuliso xukun toogasho ah, taas oo marar badan lagu fuliyay jawaasiis lagu qabtay iyagoo la shaqeynaya maamulka Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular