
Waxaa la shaciyay natiijada doorasho saaka ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo ah xarunta maamulka Amxaarada xiriirka wanaagsan la leh ee lagu magacaabo Puntland.
Musharraxa Saciid Cabdullaahi Dani ayaa kusoo baxay doorashadii maanta dhacday kadib markii ay wareegga sedaxaad isugusoo hareen Jeneraal Asad Diyaano oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada PIS-ta ee maamulka Puntland.
Dani waxa uu horey xilal wasaaradeed kasoo qabtay dowladda Federaalka, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay qof gacan saar dhow la leh maamulka Xabashida Itoobiya.
Cabdi-weli Gaas oo looga raayay doorashada ayaa hadal kooban oo uu jeediyay wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsanyahay hanaanka ay u dhacday doorashada, isagoona u hambalyeeyay musharaxa kusoo baxay doorashada, noqdeyna madaxweynaha maamulka Puntland.