Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho waxay ku dileen masuul waaxeed katirsan maamulka gobolka Banaadir.
Abuukar Ibraahim Yuusuf oo ah gudoomiye waaxeed katirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Rag bastoolado ku hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dilka geystay, waxaana markaas kadib ay si nabad geliyo ah uga dhaqaaqeen goobta.
Dilka gudoomiye waaxeedkan ayaa kusoo aadaya, xilli dhawaan degmada Wardhiigley lagu dilay taliyihii saldhiga Police-ka degmadaas oo lagu magacaabo Macallin Daahir, waxaana dilkaas sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.