HomeAll newsMaamulka Afgembiga Masar oo dalkaas ka furay kaniisadda ugu weyn ee ku...

Maamulka Afgembiga Masar oo dalkaas ka furay kaniisadda ugu weyn ee ku taalla dunida muslimka.

Cabdil-fataax As-siisi, hogaamiyaha Afgembiga maamulka Masaarida ayaa xariga ka jaray kaniisad weyn oo laga hirgeliyay wadanka Masar, taas oo loo dhisay Nasaarada Orthodox-ka ee ku nool wadankaas.

Kaniisadan oo laga furay magaalada loogu magacdaray “caasimadda maamulka” ee ku taalla meel u dhow Al-Qaahira ayaa waxaa furitaankeeda kasoo qeybgalay xubno kala duwan oo ay ku jiraan baaderiyaasha Nasaarada Masar.

Siisi ayaa kalimad uu ka jeediyay xafladda wuxuu ku sheegay inuu si hagar la’aan ah u difaaci doono Nasaarada Masar, ayna yihiin walaalihiisa.
Baadariga Nasaarada Qibdhiyiinta oo isagana xafladda ka hadlay ayaa Siisi uga mahadceliyay tallaabada uu qaaday, wuxuuna furitaanka xafladda ku tilmaamay iney tahay arin farxad ah.

Kaniisadda ayaa la sheegay in halkii marba ay ku tukan karaan qiyaastii 9000 oo ruux, waxaana gudaheeda laga hirgeliyay adeegyo ballaaran oo ay helayaan Nasaarada.

Maamullada Carbeed ayaa marba marka ka dambeysa kasii xuub siibanaya diinta islaamka, waxaana hadda socda ol ole ballaaran oo ay Nasaaradu ku doonayaan iney kaniisad kaga furtaan dhulka Xarameynka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular