Fiidnimadii caawa, ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana qeybo kamid ah Siinka-dheer lagu arkayay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dagaalka oo goordhow soo idlaaday ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, maadama uu xilligu yahay waqti habeen.
Sidoo kale galabnimadii maanta, isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda oo ku yaala deegaanka Ceelash-biyaha ayaa waxaa ka dhacay qarax khasaare dhaliyay.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah xaafadaha Ceelasha-biyaha ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada dowladda federaalka.