HomeAll newsDowladda GABON oo ku dhawaaqday inuu fashilmey Afgembi ay ku kaceen Saraakiil...

Dowladda GABON oo ku dhawaaqday inuu fashilmey Afgembi ay ku kaceen Saraakiil katirsan Milliteriga.

Idaacadda dowladd Gabon ee ay kooxaha Afgembigu la wareegeen.

Iyadoo aroornimadii hore ee maanta oo Isniin ah uu dalka Gabon ka dhacay afgembi milliteri oo ay ku dhaqaaqeen saraakiil katirsan milliteriga, ayay dowladdu sheegtay inuu gebi ahaanba fashilmay afgembigaas.

Afhayeenka dowladda Gabon oo la hadlay wakaaladaha caalamka ayaa sheegay in xaaladda dalka gaar ahana caasimadda Gabon ay tahay mid degan, islamarkaana gacanta lagu soo dhigay saraakiil katirsan milliteriga oo la wareegay Idaacadda dowladda.

Afhayeenka u hadlay dowladda wuxuu sheegay in shan sarkaal ay ahaayeen kuwa ku dhaqaaqey isku deyga Afgembiga, afar kamid ahna gacanta lagu dhigay, halka midka shanaad uu baxsaday.

Magaalada Libreville oo ah caasimadda dalka Gabon ayaa laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo meelaha qaar ka dhaceysa, lamana oga cida rideysa, balse waxaa loo maleynayaa iney yihiin ciidamada dowladda oo kala eryaya dad dibad baxyo dhigaya oo taageersan kooxaha Afgembiga.

Madaxweynaha dalka GABON ayaa dhowr bilood ku maqan wadanka Marooko, waxaana kooxaha fallaagada ay ku eedayeen inuu qabsan waayay howlihii loo igmaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular