HomeAll newsDEG-DEG: Afgembi Milliteri Oo ka dhacay dalka GABON.

DEG-DEG: Afgembi Milliteri Oo ka dhacay dalka GABON.

Madaxweynaha GABON oo dalka ka maqan.

Milliteriga dalka Gabon ayaa ku kacay afgembi milliteri oo ay talada uga tuureen madaxweynaha wadankaas iyo guud ahaan xukuumadda.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga ayaa xoog kula wareegay Idaacadda iyo Telefeshinka dowladda, waxaana ay ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah iyo iney dhiseen guddi kumeel gaar oo sii wada howlihii dowladda.

Madaxweynaha dalka Gabon ninka lagu magacaabo Cali Bongo ayaa ku sugan wadanka Marooko.

Saraakiisha milliteriga ayaa ku eedayay dowaldda iney gudan weysay howlihii loo igmaday, waxayna ay ballanqaadeen in dimuqraadiyadda ay dib uga taagi doonaan wadanka GABON.

Afgembigan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu dalkan ka dhacay doorasho muran dhalisay, waxaana markaas kadib la geeyay boqollaal askari oo katirsan ciidamada dowladda Maraykanka.

Lama oga sida ay ku dameyn doonto xaaladda wadanka GABON ee dhaca qaaradda AFRICA.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular