HomeAll newsGawaari Lagu gubay Qaraxyo ka dhacay Ceelasha-biyaha.

Gawaari Lagu gubay Qaraxyo ka dhacay Ceelasha-biyaha.

Deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo xoogan oo lagu burburiyay gawaari dagaal oo ay leeyihiin Shiseeyaha iyo dowladda federaalka.

Duhurnimadii maanta ayaa qarax culus waxaa lala helay gaari Cabdi bila ah oo ay saarnaayeen askar katirsan dowladda federaalka.

Qaraxa waxaa ka dhashay in gebi ahaanba la burburiyay gaariga, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay labo askari oo katirsan ciidamadii saarnaa, halka tiro intaas kabadanna ay dhaawacmeen.

Sidoo kale gabaldhicii maanta ayaa qarax xoogan waxaa lala helay gaari nooca xamuulka ah oo sahay u siday ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan deegaanka Arbacow ee Ceelasha-biyaha.

Gaariga ayaa si xun u gubtay, waxaana shiilmay oo la gubtaya sahaydii saarneyd oo isugu jirtay noocyada kala duwan ee ay ciidamadu isticmaalaan.

Labada Qarax ee maanta ka dhacay Ceelasha-biyaha waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular