HomeAll newsBanaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Faransiiska oo dib uga soo cusboonaaday wadankaas.

Banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Faransiiska oo dib uga soo cusboonaaday wadankaas.

Markale, dalka Faransiiska waxaa dib uga soo billowday bananabaxyo waaweyn oo ay dhigayaan shacabka dalkaas oo kasoo horjeeda dhaqaala xumida heysta dalkooda.

Banaanbaxyo shalay illaa xalay dhacayay waxaa ka qeybgalay ugu yaraan 50 kun oo qof, waxayn ka kala dheceen gobollada kala duwan ee dalka Faransiiska.

Kooxaha banaanbaxyada dhigayay waxay xoog ku galeen xarunta golaha wasiirada, waxaana meesha lagala cararay Afhayeenka dowladda oo xilligaas ku sugnaa goobta.

Magaalada caasimaddda ah ee Paris waxaa ka dhacay iska hor imaadyo gacan ka hadal ah oo dhexmaray dadka dibad baxyada dhigayay iyo ciidamo katirsan Police-ka, balse weli lama soo werin wax khasaare ah.

Dowladda uu hogaamiyo Macron ayaa ku guul dareystay maareynta banaanbaxyada isbuucii sideedaad ka socda dalka Faransiiska, waxaana shacabka ay ka sheegayaan dhaqaale xumi baahsan, taasna waxaa loo aaneynayaa dagaallada ay Faransiisku kaga jiraan dunida muslimka ah.

Dhawaan sheikh Abuu Muscab Cabdul-waduud amiirka mujaahidiinta Alqaacida ee Maqribul Islaam ayaa shacabka Faransiiska u sheegay in haddii ay doonayaan inuu u hagaago dhaqaalahooda ay ciidamadooda kala baxana wadamada caalamka Islaamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular