HomeAll newsQarax Hiiraan lagula eegtay ciidamo katirsan Hir-shabeelle.

Qarax Hiiraan lagula eegtay ciidamo katirsan Hir-shabeelle.

Qarax aad  u culus ayaa lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Hir-shabeelle ee daacadda u ah Xabashida Itoobiya, kuwaas oo marayay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Gaari nooca  Cabdi-bilaha ay soomaalidu u taqaan ayaa lala eegtay qaraxa, waxaana saarnaa ciidamo katirsan maamulka Hir-shabeelle.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada  saarnaa gaariga, mana aynaan helin tirada rasmiga ah.

Waxaa qaraxa uu haleelay gaariga cabdi bilaha ah xilli uu marayay inta u dhexeysa Kalabeyrka iyo Jili-cali.

Ciidamada kala duwan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhiyay weerarada Jihaadiga ah ee ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda, saraakiishooda, maamul goboleedyada iyo xitaa Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka, waxaana saacadihii lasoo dhaafay dhacay tiro howlgallo ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular