Gobolka Shabwah oo dhaca koonfur bari wadanka Yaman, waxaa ka dhacay dagaallo xoogan oo dhexmaray malleeshiyaad uu Imaaraadku wato iyo qabaa’ilka mulsimiinta ee dega gobolkaas.
Dagaalka ayaa yimid, kagadaal markii malleeshiyaadka uu Imaaraadku wato ay duulaan kusoo qaadeen tuullo kamid ah Shabwah, iyagoo ku andacoonaya iney soo qabanayaan rag katirsan mujaahidiinta Al-Qaacida.
Malleeshiyaadka ayaa ku kacay fal dhaqan xumo ah, iyagoo xoog ku galay guri kamid ah deegaanka, waxaana arintaas ay ka caraysiisay dhalinyarada muslimiinta iyo odoyaasha dhaqanka, kuwaas oo go’aana ku qaatay iney difaacaan sharafkooda.
Dagaal adag oo muda socday, kuna soo dhamaaday in deegaanka Al-Hajar gebi ahaanba laga soo saaro malleeshiyaadka Imaaraadku wato ayaa dhacay, waxaana khasaare adag la gaarsiiyay malleeshiyaadka.
Inta haatan la hubo, dhalinyarada qabaa’ilka waxay ku guuleysteen iney dilaan ugu yaraan 6 askari oo katirsan malleeshiyaadka duulaanka soo qaaday, waxaa sidoo kale nolosha lagu qabtay 3 kale, halka ugu yaraan 8 gaari oo noocyada dagaalka ah la gubay.
Dhanka qabaa’ilka, waxaa lagu soo waramayaa iney ka dhinteen ugu yaraan 3 dagaalyahan, iyo 8 ruux oo shacab ah, kaas oo mid kamid ah uu yahay canug aad u da’ yar.
Qabaa’ilka muslimiinta ee gobolka Shabwah ayaa isku soo gurmaday, waxayna sheegeen iney ka go’antahay iney difaacaan sharafkooda, iyagoona sheegay iney diyaar u yihiin kahortaga weerar cusub oo lagu soo qaado deegaannadooda.
Koonfurta Yaman, waxaa ka dhisan malleeshiyaad ku kacay gabood fallo xanuun badan, kuwaas oo ay dhistay dowladda leh dhaqanka Yahuudda ee lagu magacaabo Imaaraadka, waxaana markan muuqata in muslimiinta Yaman ay garowsadeen dhibaatada malleeshiyadan, go’aanna ku qaateen iney iska caabiyaan.