HomeAll newsSh/Abuu Muscab: "Weerarki Xalane Wuxuu Dirayaa Farriin Ah Ineysan Gaaladu Ku Nabad...

Sh/Abuu Muscab: “Weerarki Xalane Wuxuu Dirayaa Farriin Ah Ineysan Gaaladu Ku Nabad Galayn Meel Walba” (Wareysi)

Sh.Abuu Muscab Oo la hadlaya Warbaahinta.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii duqeynta ahaa ee ay ku qaadeen Xerada Xalane iyo dhacdooyin kale.

Ugu horreyn wuxuu tafaasiil ka bixiyay duqeyntii xerada Xalane halkaasoo uu sheegay iney ku rideen 10 madfac, dhammaantoodna ay haleeleen hadafkii loogu tala galay. Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in duqeyntan ay sababtay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Xerada Xalane oo degaan u ah ciidamada shisheeye, shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha, hey’adaha sirdoonada iyo safaarado ayaa waxaa la weeraray xilli dharaar cad ah, waxaana uu Sheekh Abuu Muscab sheegay in tani ay direyso farriin ah ineysan shisheeyuhu nabad ku heleyn meel walboo ay ku dhuuntaan.

Taliska ciidamada Amisom ayaa qariyay khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Heysom, ayaa daaha ka qaaday in madaafiicdu kusoo hoobatay xerada khasaarana ay kala kulmeen, inkastoo uu ku gaabsaday iney 3 uga dhaawacantay.

Sidoo kale wuxuu faahfaahiyay weerar laba gaari looga gubay ciidamada Kenya oo ka dhacay inta u dhaxaysa Dhoobley iyo Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, wuxuu sheegay in mid kamid ah gaadiidkan uu gabi ahaanba burburay kadib markii qarax culus lala helay, halka gaariga labaad ay wax yeelo ku gaartay kamiin iska hor imaad isku badalay oo dhex maray Mujaahidiinta iyo Kenyaatiga.

Sheekh Abuu Muscab ayaa dhanka kale ka war bixiyay ciidamo badan oo kasoo goostay dowladda iskuna dhiibay wilaayaadka islaamiga ah, isagoo sheegay in waayihii ugu dambeeyayba ay is daba joog ahaayeen isi soo dhiibayaashu.

Tusaale wuxuu usoo qaatay in gobolka Gedo oo kaliya ay shalay isku dhiibeen 13 Askari oo kasoo goosatay Jubbaland. Tan waxay ka dhigan tahay in muddo bil gudaheed ah ay Gedo isku dhiibeen ku dhawaad 50 askari.

Ugu dambeyntii Sheekh Abuu Muscab ayaa bogaadiyay ciidamada Mujaahidiinta, gaar ahaanna raggii fuliyay weerarkii duqeynta ahaa ee Xalane. Dhanka kale wuxuu farriin u diray ciidamada DF iyo kuwa maamul goboleedyada oo uu kula taliyay iney kasoo baxaan safka shisheeyaha.

Halkan Ka Degso Wareysiga Sh Abuu Muscab Xalane

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular