
Magaalada Ceel-cadde ee gobolka Gedo waxaa lagu soo bandhigay inkabadna toban askari oo horay uga tirsanaa maamulka Jubbaland kuwaas oo kasoo goostay maamulka, iskuna soo dhiibay wilaayada islaamiga ee Gedo.
Tirada askarta towbad keenayaasha ah waxay gaarayaan 13 askari, waxaana askari weliba uu la yimid hubkiisa oo dhameystiran.
Magaalada Ceel-cadde ayaa lagu soo bandhigay askartan towbada loo qabtay, waxayna ka sheekeeyeen dhibaatooyinka ay qabeen intii ay ka tirsanaayeen ciidamada ka hoos shaqeeya Kenyaatiga iyo Itoobiyaanka.
Maamulka Jubbaland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxa kasoo tagayay ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo isku soo dhiibayay maamullada islaamiga ee wilaayaadka Jubbooyinka iyo Gedo.