
Guutooyinka madaafiicda ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn xoogan ku garaacay saldhiga Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku guuleystay in todobo gantaal ay ku weeraraan xerada Xalane, kuwaas oo dhamaantooda gudaha ugu dhacay xerada, islamarkaana geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta waxay xaqiijiyeen iney arkayeen madaafiic ku hoobaneysa gudaha xerada Xalane, waxaana markaas uu jawi cabsi ah lasoo gudboonaaday madaxda iyo ciidamada ku sugnaa Xalane, kuwaas oo billaabay kala carar.
Waxaa la rumeysanyayahay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan oo ay dhaliyeen madaafiicda ku dhacay gudaha xerada Xalane oo gaaraya todobo madfac,balse weli lama helin tirakoob rasmi ah oo sheegaya tirada khasaaraha.
Qaramada Midoobay iyo AMISOM ayaa war kasoo saaray duqeyntii maanta lagu garaacay saldhiga Xalane, waxayna xaqiijiyeen inuu jiro khasaare gaaray xubanahooda ku sugnaa xerada Xalane.
Sawirro lagu baahiyay baraha Internetka waxaa ka muuqanayay burbur gaaray qeybo kamid ah xerada Xalane.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si firfircoon uga howlgasha magaalada Muqdisho ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeyntan lagu garaacay saldhiga ugu weyn ee Shisheeyaha kaga suganyihiin dalka Soomaaliya.