HomeAll newsAfhayeenkii Wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka oo la casilay.

Afhayeenkii Wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka oo la casilay.

UNITED STATES – SEPTEMBER 24: Aerial view of the Pentagon building photographed on Sept. 24, 2017. (Photo By Bill Clark/CQ Roll Call)

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka “The Pentagon” ayaa lagu sheegay in xilkii Afhayeennimada laga casilay haweeneyda lagu magacaabo Dana White, oo mudooyinkii ugu dambeeyay ahayd Afhayeennada wasaaradda gaashandhiga.

Wasaaradda Dagaalka Maraykanka waxay intaas ku dartay in haweeneyda xilka laga casilay lagu bedelay haweeney kale oo lagu magacaabo Charlies Samrz.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda gaashandhiga laguma sheegin sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya casilaadda Afhayeennadii hore ee wasaaradda Gaashandhiga, balse xilliiyo sii horeysay ayaa lagu eedayay iney ku ad adagtahay shaqaalaha kaga hooseeya shaqada.

Casilaadda Afhayeenadan waxay kusoo aadeysaa, xilli dhawaan wasiirkii Gaashandhiga Maraykanka uu ku dhawaaqay inuu isaga tagay xilka, kadib khilaafaad soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Donald Trump.

Khilaafkooda wuxuu salka ku hayay go’aan uu Trump ku qaatay in ciidamadiisa jooga Suuriya uu kasoo saaro, taas oo uusan cidna kala tashan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular