HomeAll newsXillibaanno ka badbaaday Weeraradii Madaxtooyada Oo Muqdisho Ku geeriyooday.

Xillibaanno ka badbaaday Weeraradii Madaxtooyada Oo Muqdisho Ku geeriyooday.

Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xillibaanno katirsan Baarlamaannada dowladda federaalka iyo kan maamulka Koonfur-gableed ee uu hogaamiyo Lafta-gareen.

Labada Xillibaan ee geeriyooday waxaa lagu kala magacaabaa Col. Ruush oo katirsan baarlamaanka dowladda federaalka iyo Xillibaan Khayre Maxamad oo isagana katirsan maamulka Koonfur-galbeed.

Labada Xillibaan ee geeriyooday ayaa dhawaan ka badbaaday weerarkii lagu qaaday kontroolka koowaad ee xarunta madaxtooyada Villa-Somalia, waxaana labada xillibaan oo qabay cudurka dhiig-karka weerarka kadib ku kacay dhiiga, iyadoona la dhigay isbitallada wax lagu dabiibo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular