HomeAll newsCiidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo la wareegay Deegaan katirsan Shabeellaha-dhexe.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo la wareegay Deegaan katirsan Shabeellaha-dhexe.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka waxay weerar xoogan ku qaadeen deegaan hoosyimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha-dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxay ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen dhufeysyada ciidamada Hir-shabeelle ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-muluq ee hoostagta degmada Cadale.

Mujaahidiinta ayaa la wareegay deegaanka dagaal kooban kadib, waxaana ciidankii dowladda ee joogay deegaanka la gaarsiiyay khasaare adag.

Illaa iyo hadda khasaaraha horudhac ah ee aan helnay waxay xaqiijinayaan dhimashada 3 askari oo katirsan ciidamada Hir-shabeelle, iyadoona ay macquul tahay in khasaaruhu intaas kasii badanyahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular