Wararka naga soo gaaraya dhulka gumeysiga ku jira ee NFD ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Kenya kuwaas oo ku sugnaa deegaanno dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Qarax culus ayaa lala eegtay ciidamo Keyna ah gaar ahaan kuwa ilaalada xuduudaha, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan labo askari oo Kenyaati ah ayaa la xaqiijiyay iney dhinteen, halka saddex kalana ay dhaawacyo soo gaareen.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu dilay ciidamada Kenyaatiga, waxaana uu kamid yahay howlgallada ay Mujaahidiintu ka fulinayaan gudaha dhulka ay muslimiintu leeyihiin balse Kenya ay xooga ku heysato.