HomeAll newsWariye u dhashey dalka Tuunis ayaa is gubay, isagoo ka cabanaya dhibaatooyin...

Wariye u dhashey dalka Tuunis ayaa is gubay, isagoo ka cabanaya dhibaatooyin dhaqaale.

Waa wariyaha naftiisa gubay.

Wadanka Tuunis ee dhaca qaaradda Africa waxaa ka dhacday arin aad looga naxay, islamarkaana muujineysa jahliga heysta qeybo badan oo kamid ah umadda islaamka.

Sawir qaade ka shaqeynayay warbaahinta wadanka Tuunis ayaa ku dhaqaaqay fal laga naxo, taas oo uu naftiisa ku dilay kadib markii uu isku daaray dab iyo banziin.
Wariyaha is gubay waxaa lagu magacaabaa Cabdi-rizaaq Zarqi, waxaana uu isku gubay fagaaraha weyn ee magaalada Al-Qasriin ee dhacda galbeedka wadanka Tuunis.

Isagoo dhaawac garaab ah ayaa loola cararay isbitaallada caafimaadka, balse wuu geeriyooday, waxaana dadka ay sheegayaan in ninkani uu ka cabanayay dhibaatooyin dhanka nolosha iyo dhaqaala ah.

Dhalinyaro careysan ayaa markii uu ninkan is gubay waxay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada Al-Qasriin, waxaana si adag uga hortagay ciidamada Police-ka.

Arintan waxay dad badan dib u xusuusineysaa dhacdo midan lamid ah oo sanadkii 2010-ka ku dhaqaaqay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Muxamad Bu-caziizi, kaas oo isku gubay magaalada Sayid Buzid ee dalka Tuunis.

Isgubitaanka wiilkaas dhalinyarada ah waxaa ka dhashay bananabaxyadii guga carbeed ee ruxay wadanka Tuunis, waxaana weli muuqata in dhibaatada ay ka sheeganayeen shacabka weli taagantahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular