Iyadoo weli dalka Suudaan ay ka socdaan banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan shacabka dalkaas, kuwaas oo ka cabanaya dhibaatooyinka dhanka dhaqaalaha ah ayaa milliteriga Suudaan wuxuu markii ugu horeeyay ka hadlay banaanbaxyada socda.
Bayaan kasoo baxay taliska milliteriga dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamada milliteriga ay is garab taagayaan hogaanka talada haya, islamarkaana ay la shaqeyn doonaan laamaha amaanka.
Waxa bayaanka lagu sheegay iney milliterigu kasoo horjeedaan banaanbaxyada ay shacabku wadaan, islamarkanaa ku dalbanayaan in hoos loo dhigo qiimaha lagu iibsado Rootiga iyo shidaalka.
Maalitnii shanaad waxaa magaalooyin kamid ah wadanka Suudaan ka socda banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan dad aad u careysan, waxaana Police-ka iyo ciidamada Amaanka ay isku dayayaan iney ka hortagaan.
Magaalada Umu-darmaan ee wadanka Suudaan waxaa laga soo sheegayaa iney ka dheceen banaanbaxyo ay dhigayaan dad badan, kuwaas oo ay ciidamada Police-ku kala eryeen, waxaana dadka loo diiday iney u gudbaan magaalada caasimadda ah ee Al-khardhuum.
Sirdoonka dowladda Suudaan oo bananabaxyada ka hadlay ayaa sheegay in koox ku xiran maamulka Yahuudda ay hurinayaan dibad baxyada socda, waxaana arintaas ay dadku u arkeen mid lagu dooanyo in lagu banneysto dhiigooda.
Dowladda Suudaan ayaa u yeertay safiirka dalkaas u fadhiya dowladda Kuweyt, kadib markii safiirku ugu baaqay shacabka Kuweyt inaaney soo booqan dalka Suudaan.
Arintaas ayaa waxaa ka carooday dowladda Suudaan, waana mida keentay in looga yeero xarunta wasaaradda arimaha dibadda ee magaalada Al-khardhuum.
Lama oga halka ay ku dambeyn doonaan banaanbaxyada ka socoda dalka Suudaan, waxaana sidoo kale muuqata in dowladdu aaney diyaar u ahayn iney ajibto codsiga bulshada ee ka tarjumaya in la yareeyo qiimaha rootiga iyo shidaalka.