HomeAll newsLafta gareen oo noqday madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed.

Lafta gareen oo noqday madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed.

Musharaxa Cabdil-caziiz Lafta-gareen oo ay wadato dowladda federaalka ayaa kusoo baxay dooorashada madaxtinimada maamul goboleedka Koonfur-gabeed, taas oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Lafta gareen wuxuu helay codad gaaraya 101 cod, halka braahim Macalin Nuur uu helay 6  cod,  Aadan Maxamed Nuur Saransoor ayaa isagana helay codad gaaraya 22.

Gudiga doorashada madaxtinimada maamulkaas ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana horey loo filayay in Lafta gareen uu kusoo bixi doono doorashada maadaama ay taageero adag ku bixisay dowladda federaalka.

Mukhtaar Roobow ayaa si qasab ah waxa looga reebay doorashada, isagoona haatan ku xiran xabsi ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaliya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular