HomeAll newsDoorashada Madaxtinimada Koonfur-galbeed oo maanta ka dhaceysa Baydhabo.

Doorashada Madaxtinimada Koonfur-galbeed oo maanta ka dhaceysa Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu wadaa iney ka dhacdo doorashada madaxweyne uu yeesho maamul gaoboleedka Koonfur-galbeed oo kamid ah maamullada federaalka ee ka jira dalka Soomaaliya.

Ugu yaraan shan musharrax ayaa u tartamaya madaxtinimada maamulka Koonfur-galbeed, kuwaas oo kala ah:-

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen.
2-Siid Axmed sheekh Daahir
3-Xuseen Cusmaan Xuseen
4-Adan Maxamed Nuur Saransoor
5-Ibrahim Macalin Nuurow.

Waxaa xiran gebi ahaanba dhaq-dhaqaaqa magaalada Baydhabo, majirto wax gacansi ah oo ka jira magaalada, waxaana xiran isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Boqollaal askari oo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada Baydhabo, kuwaas oo dadweynaha u diidaya iney isaga kala gudbaan xaafadaha magaalada Baydhabo.

Lama oga cida ku guuleysan doonto doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur-galbeed, waxaana cakiran xaaladda magaalada Baydhabo.

Doorashadan waxay kusoo aadeysaa xilli uu weli dowladda federaalka u xiranyahay Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharixiinta u tartameysay xilka madaxtinimada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular