Xalay, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah waxay ku qaadeen qaar kamid ah saldhigyada Police-ka ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.
Ciidamada Mujaahidiinta waxay weerareen saldhiga Police-ka degmada Yaaqshiid, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Weerar kafool kafool ah ayaa dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwii joogay saldhiga, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta waxay weerareen saldhig Police oo ku yaala deegaanka Garasbaallay oo u dhexeeya Ceelasha iyo Muqdisho, rasaas xoogan ayaa la isku adeegsaday, waxaana la rumeysanyahay inuu jiro khasaare.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda.