Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa heshiis dhex dhigtay beelaha Wacaysle Abgaal iyo Xawaadle oo ay colaadi soo kala dhex gashay kadib markii malleyshiyo labada dhan ah ay ku kaceen falal sababay dhimasho.
Kadib shir muddo 8 cisho ah ka socday wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe ayaa labada qabiil loo kala xukumay diyooyin waxaana la dhex dhigay heshiis ka kooban dhowr qodob oo muhim ah.
Odayaasha labada qabiil ayaa ballan qaaday dhaqan galinta heshiiska, waxaana sidoo kale munaasabadda ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.