Sil-silado weeraro kamiinno ah iyo qaraxyo lala eegtay ciidamada Xabashida Itoobiya waxaa ku gaaray khasaare xoogan, kuwaas oo laga helayo faafaahinno dheeraad ah.
Warar ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada Xabashida Itoobiya looga dilay inta u dhexeysa Buur-dhuxle iyo Rabdhuure maalintii shalay ay gaarayaan ugu yaraan 12 askari.
Ciidamada Xabashida waxay la kulmeen weeraro xoogan tan iyo maalintii shalay, waxaana muuqata iney ku adagtahay xaaladda.