Wararka naga soo gaaraya dalka Afqaanistaan ayaa ku waramaya inuu dhacay howlgal khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamo Maraykan ah oo ay wehlinayeen malleeshiyaad katirsan xukuumadda Kaabul.
Naftii hure katirsan Dhaalibaan ayaa weeraray kolonyo ka kooban ciidamo Maraykan ah iyo kuwa sirdoonka xukuumadda Kaabul, kuna safrayay qeybo kamid ah gobolka Kaabul.
Kolonyada la beegsaday waxay mareysay deegaan lagu magacaabo Bunja Janaar oo hoostagta degmada Baqmaan ee gobolka Kaabul, waxaana gaaray khasaare adag oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Naftii huraha camaliyadda fuliyay oo lagu magacaabo Muxamad Kaamraan ayaa bartanka ka istaagay kolonyada, waxaana uu si gaar ah u beegsaday gaari nooca Lankurusarka ah oo ay saarnaayeen saraakiil Ameerikaan ah.
War kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda camaliyadan Nafhurnimada ah, waxaana Dabiixullaahil Mujaahid uu xaqiijiyay iney ku dileen camaliyadaas inkabadan 20 askari oo ay ku jiraan la taliyaal Ameericaan ah.
Camaliyadda waxaa sidoo kale lagu gubay gawaari gaashaman oo ay wateen ciidamada Maraykanka iyo kuwa sirdoonka xukuumadda Kaabul.
Dhinac kale ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxay dagaal kula wareegeen magaalo muhiim ah oo dhacda gobolka Faraah ee galbeekda Afqaanistaan.
Ciidamada Imaarada ayaa gacan ku heynta degmada Shabkuwah ee gobolka Faraah waxay ka fara maroojiyeen ciidamada xukuumadda Kaabul, kadib dagaal qaatay in muda ah, waxayna Imaaradu sheegtay iney soo gudbin doonto faafaahin dhameystiran oo ku aadan sida uu u dhacay dagaalkaas.
Howlgalka Al-khandaq ayaa si firfircoon wuxuu uga socdaa guud ahaan wadanka AFqaanistaan, waxaana Shisheeyaha iyo xukuumadda Kaabul ay u taag la’ yihiin yareynta ama ka hortaga howlgallada Mujaahidiinta.