HomeAll newsAl-Shabaab Oo La wareegay deegaan kaabiga ku haya Guriceel.

Al-Shabaab Oo La wareegay deegaan kaabiga ku haya Guriceel.

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan  ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar  culus waxay saaka ku qaadeen deegaan istiraatiiji ah oo u dhow magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay maamulaan malleeshiyaad Suufi ah oo ka amar qaata dowladda Itoobiya.

Ciidamad Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa u suurgashey in dagaal kedis ah ay ku qaadaan malleeshiyaad Suufi ah oo ku sugnaa deegaanka Dhagaxyaale oo hoosyimaada degmada Guriceel.

Malleeshiyaadkii Suufida ahaa ee joogay deegaanka ayaa la kala eryay, waxaana hadda deegaanka si toos ah u maamulaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanka Dhagaxyaale isku uruursanayay malleeshiyaad Suufi ah oo ay gadaal ka riixeyso Xabashida, kuwaas oo doonayay iney carqaladeeyaan amniga ka jira deegaanno badan oo katirsan wilaayada islaamiga ee Galgaduud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular