Diyaarad rakaab oo ay saarnaayeen mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Suudaan ayaa burburtay, saacado kadib markii ay duushay, waxaana ku dhintay dad badan oo ay ku jiraan madax katirsan dowladda Suudaan.
Diyaaradda waxay ku dhacday deegaan lagu magacaabo Al-qilaabaad oo dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan wadamada Suudaan iyo Itoobiya.
Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku dhimatay burburka diyaaradan, oo uu ku jiro gudoomiyihii gobolka Al-Qadaarif Merqani Saalax Sayid, ku xigeenkii Police-ka gobolka iyo maamulihii xafiiska gudoomiyaha.
Dowladda Suudaan ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid mas’uuliyiin katirsan xukuumada.