HomeAll newsQarax Ka dhacay Buula-Burde Oo Lagu dilay Saraakiil Jabuutiyaan ah.

Qarax Ka dhacay Buula-Burde Oo Lagu dilay Saraakiil Jabuutiyaan ah.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in qarax lala eegtay ciidamo katirsan Jabuutiyaanka oo ka hoos shaqeeya dallada Shisheeyaha AMISOM ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Ciidamada Jabuuti ayaa waxaa qarax miino loogu aasay meel u dhow saldhig ay ka deganyihiin magaalada Buula-burde, waxaana ay isku dayayeen iney goobta ka saaraan.

Saraakiil katirsan qeybta Miina baarista ayaa isku dayay iney kala fur furaan miinada, balse iyaga ayay ku qaraxday, taas oo gallaafatay nolosha tiro iyaga kamid ah.

Wararka aynu heleyno waxay xaqiijinayaan in qaraxaas ay ku dhinteen labo sarkaal oo Jabuutiyaan ah, kuwaas oo meydadkooda ay qaateen saaxibadooda.

Buula-burde waxaa xilliyadii dambe kusoo kordhayay weerarada ka dhanka ah ciidamada Jabuutiyaanka oo Soomaaliya looga yaqaano Hiil-Gumeysi ama Hiil-gaal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular