Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa ka dhacay labo qarax oo culus, kuwaas oo lala eegtay ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Qaraxyada waxaa mar qur ah lala eegtay Gaari cabdi bile ah iyo mid kaloo Renood ah, kuwaas oo ay saarnaayeen ciidamo iyo saraakiil katirsan dowladda.
Qaraxyada ayaa ka dhacay qeybo kamid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Howlgallada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda iyo saraakiishooda ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, dhawaana ayayna ahayd markii labo sarkaal oo midna katirsan Sirdoonka, kan kalana katirsnaa Milliteriga lagu dilay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.