Wararka naga soo gaaraya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa tibaaxaya in ciidamo katirsan kuwa uu Maraykanku ku adeegto ee Bankraft ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen inta u dhexeysa Gaalkacyo iyo Caabud-waaq.
Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askarta Bankarafta ayaa ku rogmaday wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Caabdu-waaq, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday inta badan askarii saarneyd gaariga.
Wararka ay heleyso Idaacadda Al-Furqaan waxay xaqiijinayaan in labo askari ay ku dhimatay gaariga la rogmaday ciidamada Bankrafta, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale.
Inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arinkan, hadana waxaa inta badan ciidamada Shisheeye kalkaalka ah ay cunaan maandooriyaasha, taas oo keenta in si aan xakameysaneyn u wadaan gawaarida.