HomeAll newsHowlgal Gaar ah Oo Boosaaso ka dhacay, laguna beegsaday Xubin sare oo...

Howlgal Gaar ah Oo Boosaaso ka dhacay, laguna beegsaday Xubin sare oo katirsan Puntland.

Sarkaal ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland ayaa xalay lagu beegsaday hawl gal gaar ah oo ka dhacay agagaarka hotel Jubba Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hawl galkan oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka hawl gala gobolka Bari ayaa waxaa ku dhaawacmay Saiciid Cabdi Muumin oo ah gudoomiye ku xigeenka Maxkamada sare ee maamulka Puntland.

Qaar kamid ah ehelada sarkaalka oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegay iney aad u liidato xaaladda gudoomiya ku xigeenka maxkamada sare kaasoo la dhigay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo la hadlay idaacadaha maxalliga ah ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin in raggii weerarka fuliyay ay si kalsooni ah ku hawl galeen sidaa si lamid ahna ay goobta uga dhaqaaqeen iyadoo haba yaraatee aaney kusoo gaarin ciidamo soo gurmaday.

Bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso qaarkood ayaa sheegaya in sarkaalka la dhaawacay uu caan ku ahaa xad gudub, laaluush qaadasho iyo caddaalad darro uu kula kici jiray dad weynaha u xukun taga maxkamadaha maamulka halkaas ka jira.

Ma ahan hawl galkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyaan gobolada Wuqooyi Bari, waxaana jira hawl gallo bilihii lasoo dhaafay dhacay kuwaasoo lagu dilay saraakiil ciidamo iyo xubno maamulada ka tirsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular