HomeAll newsXillibaan Daahir Amiin Jeesow Oo Muqdisho Lagu qarxiyay.

Xillibaan Daahir Amiin Jeesow Oo Muqdisho Lagu qarxiyay.

Waxyar kahor, waxaa magaalada Muqdisho lagu weeraray Xillibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah golaha baarlamaanka dowladda federaalka.

Gaari nooca raaxada ah oo uu leeyahay Daahir Amiin Jeesow ayaa qarax lagula eegtay xilli uu marayay jidka aadka u mashquulka badan, madaxda dowladana isticmaalaan ee Makka Al-mukarrama.

Xillibaan Jeesow oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu dhacay waxyar un kadib markii uu ka degay gaariga.

Darawalkii Gaariga iyo askari ilaalo u ahaa xillibaanka ayaa la rumeysanyahay iney ku dhinteen qaraxan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular