Wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka waxaa si hab sami leh uga socday qeybinta Sakada gaar ahaan xoolaha sida: Geela, Lo’da iyo Ariga.
Degmooyin ay kamid yihiin Saakow, Jamaame, Salagle iyo kuwa kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay xoolo loogu qeybiyay dad weynaha dan yarta ah.
Qoysaska qaar ayaa waxaa la siiyay min 20 Neef kuwaasoo la rajeynayo iney ka baxaan faqriga oo ay muddooyinka ama sannadaha soo socda iyagu garab qabtaan dan yarta kale.
Sawirrada aan halkan idiinkugu soo gudbineyso waa degmada Saakow iyo sida looga qeybiyay Sakada. Dadka xoolaha Sakada la siiyay ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday farxad.