Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhexeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolka Baay ayaa la kulmay weerar culus, kaas oo khasaare adag gaarsiiyay.
Labo Qarax oo aad u culus ayaa lala eegtay kolonyada ciidamada Xabashida, waxaana gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Warar ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu xaqiijinayaa in gawaarida Xabashida ee lala helay qaraxyada uu gaaray burbur xoogan, islamarkaana inta badan ciidankii saarnaa ay waxyeello gaartay.
Ciidamada Itoobiya ayaa mudooyinkii dambe waxay la kulmayeen silsilado weeraro qaraxyo ah oo si sugan loogu beegsado gawaaridooda dagaalka, waxaana wadada isku xirta Baydhabo iyo Bardaale ay noqotay meel lagu dhiig bixiyo Xabashida soo duushay.