HomeAll newsBAYAAN: Dhaalibaan oo ka tacsiyeysay dilkii Sheekh Mullaa Samiicul-xaqq.

BAYAAN: Dhaalibaan oo ka tacsiyeysay dilkii Sheekh Mullaa Samiicul-xaqq.

Bayaan kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa umadda muslimka meel weliba oo ay dunida ka joogto waxaa looga tacsiyeeyay dilkii dhawaan dalka Paakistaan loogu  geystay Sheekh Mullaa Samiicul-Xaqq oo kamid ahaa culimada waaweyn ee caanka ka ah dhulka Khuraasaan.

Bayaankan oo ku qoran luuqadda carabiga, laguna baahiyay baraha Internetka waxay Imaarada islaamiga ah si gaar ah tacsi ugu dirtay ehelka Sheekha, saaxibadiisii ay ku rafiiqeen masiirada cilmiga iyo cadeynta xaqqa, iyo sidoo kale shacabka dalka Pakistaan.

“ wuxuu nagu soo gaaray murug aad u xeeldheer warka la xiriira istish-haadka Mullaa Samiicul-xaqq, oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka Pakistaan, ahaana maamulaha madarasada islaamiga ee Xaqqaani, Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Wuxuu bayaanku intaas kusii daray “ Istish-haadka mowlaanaa Samiicul-xaqq waxay ku tirineysaa Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan khasaare ku habsatay Umadda islaamka, gaar ahaan shacabka muslimka ah ee Pakistaan, waxaana si gaar ah ugu tacsiyeyneynaa qoyska sheekha ee sharafta leh, shahiidkana waxaan Alle u weydiineynaa Jannatul firdows, qaraabadiisana sabar iyo waxay musiibadan ku illoobaan”.

Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxay dhanka kale ka hadashay cida ka dambeysa dilka sheekhan oo ay fuliyeen koox aan heebtooda la aqoonsan, oo sheekha ugu galay gurigiisa.

“shakki la’aan dilka Sheikh Samiicul-xaqq waxaa ka dambeeya cadowga islaamka, kuwaas oo aan rabin in shakhsiyaadka lamidka  ah sheekh Samiicul-xaqq ay umadda islamka siiyaan duruus ku saabsan sarakaca, sidaas darteed si fuleynimo ah ayay u dileen, Allow u dembi dhaaf sheekha, oo u naxriiso” ayaa lagu yiri bayaanka Imaarada.

Maalintii shalay ayay ahayd markii qaraabada sheekh Samiicul-xaqq ay shaaciyeen istish-haadka sheekh Samiicul-xaqq, kaas oo doonayay inuu ka qeybgalo banaanbax lagu difaacayo Nabi Muxamed Sallaahu caleyhi wassalam oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Pakistaan.

Koox hubeysan oo loo badinayo iney soo abaabushey xukuumadda dabadhilifka ee Pakistaan ayaa la rumeysanyahay iney dishey Sheekha, kuwaas oo ugu galay gurigiisa oo ku yaala magaalada Islamabaad.

Dhowr xabadood ayay ku shannaqeen sheekha oo ah qof waayeel da’ ah, xilligaasna guriga dad kale lama joogin, taas oo mujrimiinta dilka geystay u suuragelisay iney si nabad ah ku baxsadaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular