Askarta Mareykanku tababartay ee loo yaqaano Baankaraaf ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay la kulmay khasaarooyin kala duwan kadib markii weeraro toos ah iyo araxaxyo lagula beegsaday Muqdisho, Shabeelaha Hoose iyo Jubada Hoose.
Weerarkii ugu dambeeyay oo ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Balli-Doogle ayay guutada qaraxyada ee Al-Shabaab ku beegsatay kolonyo ciidamada Bankaraafta ah oo kasoo baxay Balli-Doogle kuna wajahnaa Muqdisho.
Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in gaari ay saarnaayeen tobaneeyo askar ah uu haleelay qarax cuslus kaasoo gabi ahaanba burburay. Sidoo kale askartii saarnayd ayaa u qeybsantay dhimasho iyo dhaawacyo daran.
Dhacdadan ayaa waxaa kasii horreeyay weerar qarax loo adeegsaday oo isna shalay ka dhacay degaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho kaasoo lagu burburiyay gaari ay saarnaayeen calooshood ushaqeystayaasha.
Inta la hubo waxaa ku dhintay 5 askari oo kuwa Baankaraaf ah, halka ay ku dhaawacmeen sarkaal caddaan ah iyo askari calooshood u shaqeystayaasha kamid ahaa.
Sidaa si lamid ah waxaa shalay casar liiqii ciidamada uu Mareykanku tababartay lagu weeraray Baarsanguuni oo Buulo-guduud u dhow kadib markii ay isku dayeen iney xerada dibadda uga soo baxaan.
Mareykanka ayaa doonaya inuu ku ugaarto ciidamadan calooshood u shaqeystayaasha ah isagana uu yareeyo khasaaraha soo gaaraya balse waxaa muuqanaya usbuuc walba ay go’ayaan kuwii uu tababarka iyo dhaqaalaha badan galiyay, iyadoo aaney meesha ka marnayn in saraakiishooda iyo ciidamadooda ku dhintaan dagaalada ay ku wehlinayaan Baankaraafta.
Dhowr jeer waxay meydad iyo xubno uga carareen Gobolka Shabeelaha hoose, siiba Mubaarak iyo Daaru-Salaam kadib markii ay ku dhaceen kamaa’in adag oo ay kala kulmeen ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.