Gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda ayaa lagu qarxiyay deegaanka Jaziira oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Gaariga la qarxiyay waxaa ku rakibnaa qori dhashiike ah, waxaana saarnaa ciidamo katirsan dowladda federaalka
Qarax xoogan ayaa lala eegtay gaariga, taas oo keentay inuu goobta ku burburo, askartii saarneydna ay dhimasho iyo dhaawac noqdaan.
Ugu yaraan 6 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.
Wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marko ayaa marar badan waxaa ka dhacay weeraro lagu beegsaday ciidamda dowladda, kuwaas oo qaati ka taagan isku socodka.