Iyadoo dalka Afqaanistaan ay ka billowdeen dooraashoyinka Baarlamaanka oo dhowr sano baaqday ayaa hadana waxaa weli taagan halista ka imaaneysa Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Imaarada ayaa horey war ay usoo saartay waxay ku sheegtay in doorashooyinka aaney waxba kajirin, islamarkaana yihiin kuwa lagu marin habaabinayo shacabka muslimka ah ee Afqaanistaan.
Shacabka Afqaanistaan ayay Imaaradu ugu baaqday ineysan ka qeybgelin doorashooyinkan sharci dejinta ah, kuwaas uu Maraykanku u ololeynayo in si nabad geliyo ah uga qabsoomaan guud ahaan gobollada Afqaanistaan.
Ciidamo katirsan Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa weeraray qaar kamid ah xarumaha cod bixinta oo ku taalla gobolka Sarbiil oo kamid ah gobollada waaweyn ee Afqaanistaan.
Ciidamada Dhaalibaan ayaa gudaha u galay qaar kamid ah degmooyinka gobolka, waxayna burburiyeen qalabyadii cod bixinta iyo xafiisyadii loogu talalagay doorashooyinka.
Waxaa gebi ahaanba joogsaday howshii cod bixinta ee ka socotay inta badan magaalooyinka gobolka Sarbiil, kadib markii ay la kulmeen weeraro uga yimid dhanka Dhaalibaan.
Sarbiil oo keliya maahan meelaha ay gebi ahaanba joogsadeen howlaha cod bixinta, balse Dhaalibaan ayaa iyadoo adeegsanaya siyaasad degan oo miizaaman waxay xirtay xarumo badan oo cod bixin oo ka furnaa gobollada Afqaanistaan meelaha ay ka joogaan ciidamada xukuumadda Kaabul.